Midawga Afrika Oo Xayiraad Ku Soo Rogay Sudan

Addis Ababa, (HCTV) – Midawga Afrika ayaa dalka Sudan xayiraad ku soo rogay, waxaanay dalbadeen in maamul shacabku gadhwadeen ka yihiin oo talada loo dhiibaa ay xal u noqon karto dhibaatooyinka ka socda Sudan ee boqolka Qof galaafay.

Golaha Nabada iyo Amaanka ee urur Midawga Afrika ayaa sheegay in maanta oo khamiis ah ay kulan degdeg ah ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, waxaana kulankaasi lagu go’aamiyey in Jamhuuriyada Sudan laga joojiyo dhamaan hawlaha iyo dhaqdhaqaaqyada Midawga Afrika oo aan laga qaybgalin ilaa inta la samaynayo maamul shacabku gadhwadeen ka yahay.

Go’aankan xayiraada ee ka soo baxday Midawga Afrika iyo kulanka ay yeesheen oo qoraal kooban la soo dhigay barta Midawga Afrika ay ku leeyihiin Twitter-ka ayaa u qornaa sidan;-

“Golaha Amaanka iyo Nabada ee Midawga Afrika waxa ay isugu yimaadeen kulan degdeg ah oo Jamhuuriyada Sudan lagaga xayirayo ka qaybqaadashada dhamaan hawlaha Midawga Afrika ilaa inta maamulka dalkaasi lagu wareejinayo shacabkaa, taas oo ah jidka kaliya ee Sudan u saamaxaya inuu ka baxo xaaladan uu hada ku jiro,” ayaa lagu yidhi warka Qoraalka ah ee ka soo baxay kulankii Midawga Afrika ay ka yeesheen xaalada ka soo cusboonaatay dalka Sudan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA