Maraykanka Oo Ka Hadlay Xaaladda Suudaan Iyo Imaaraadka Ka Walaacsan

UAE (HCTV) – Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa walaac xoog leh ka muujisay Rabshadaha ka sii socda Dalka Suudaan, kuwaasi oo u dhexeeya Dibed-baxayaasha iyo Milletariga Suudaan isla-markaana sababtay inay dhintaan Dad gaadhaya 108 Ruux.

Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay rejo ka muujisay in Milletariga iyo guud ahaan Xisbiyada Suudaan yeeshaan Wada-hadallo midho-dhal leh oo wax lagu dhisi karo, kuwaasi oo dammaanad qaadi kara amniga iyo Xasiloonida Suudaan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadku.

Dhanka kale, Dawladda Maraykanka oo Arbacadii Shalay ka hadashay Qaska ka socda Suudaan waxay ugu baaqday Milletarigu inuu joojiyo Qaska, lana soo celiyo Wada-hadalladii u dhexeeyay Dibed-baxayaasha doonaya in talada laga wareejiyo Rayidka iyo Millateriga

“Maraykanku wuxuu cambaareeyay Weerarradii u dambeeyay ee lagu qaaday Dibed-baxayaasha Suudaan..” ayuu tidhi, Morgan Ortagus oo ah Afhayeen u hadashay Wasaaradda Arrimaha dibeddu, waxayna ugu baaqday Millateriga iyo Ciidammada sida gaarka ah u taageera Saraakiisha xukunka haya inay soo afjaraan rabshadaha.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka