Burco: 40 Qof Oo Xanuunka Shubanka Loo Dhigay Cisbitaal

Burco (HCTV) – Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in Cisbitaalka Magaalada Burco la dhigay Dad gaadhaya 40 oo uu soo ritay Xanuunka Shubanku.

Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Togdheer Aadan Cilmi Diiriye ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee Magaalada Burco ka taagani tahay in Xanuunka Shubanku uu soo rito Dad tobannaan gaadhaya, xilli aanu Cisbitaalku lahayn Gaadhi Ambilaas ah oo gurmadka Dadka ka qayb-qaata.

Isu-duwaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Magaalada Shuban baa ka jira, Maanta Afartan Qof baa la keenay Cisbitaalka, Kal horena waad ogaydeen.”

Dr. Aadan Cilmi Diiriye, wuxuu sheegay in Cisbitaalka Burco aanu lahayn xilligan Gaadhi Ambilaas ah “Cisbitaalka Burco wuu ambalaas la’yahay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Dawadii ka dhamaatay qaybta Kalyaha lagu sifeeyo ee Cisbitaalka Burco “Waxaynu samaysanay qaybta Kalyaha lagu sifeeyo, laakiin Dawadii habeen hore ayay ka dhamaatay.”

Isu-duwuhu wuxuu soo jeediyey in Dadka laga wacyi-geliyo “Waa in Dadka la wacyi-geliyo oo fadhiga laga kaco..”ayuu yidhi.

Xanuunka laga soo sheegay Magaalada Burco ayaa ku soo beegmay xilli Maalmihii u dambeeyay ay halkaasi ka da’ayeen Roobab waaweyn, kuwaasi oo sababay in meelo badan oo Xaafadaha Burco ah ay biyo fadhiistaan, kuwaasi oo tuhmayo inay yihiin sababta keentay xanuunkan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka