Shakira Oo Maxkamad Spain Ku Taala La Soo Taagay

Barcelona, (HCTV) –  Xidigada sare ee Heesaaga ah ee dalka Colombia u dhalatay ee Shakira Isabel Mebarak Ripoll ayaa ka soo hormuuqatay Maxkamad ku taal meel u dhow Barcelona maalintii salaasadii si su’aalo looga waydiiyo eedo la xidhiidha in aanay bixin lacago cashuura ah oo gaadhaya 14.5 million euros oo u dhiganta ($16.3 million dollar).

Gabadhan 42 jirka ah ee heesta ayaa ka fakatay daraasiin sawir qaadayaal, wariyeyaal, iyo kamaradaha telefishanka oo ku sugnaa maxkamada Esplugues de Llobregat kadib markii ay meel ka gashay.

Dhagaysiga arintan loo haysto xidigadan ka midka ah xidigaha ka soo jeeda Latin America ayaa ku nool Bercelona oo ay ku nooshahay ciyaaryahanka Gerard Pique iyo laba wiil oo ay dhashay,  ayaa dacwadu ay ka bilaabantay 10:00 subaxnimo.

Dacwad oogaha ayaa ku eedeeyey iyada iyo mid ka mid ah lataliyeyaasheeda cashuur ay musuqeen kadib markii iyada lagu eedeeyey inay ku guuldaraysatay inay cashuur siiso Spain oo ay degan tahay intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2014-kii.

Sidoo kale dacwad oogaha ayaa sheegay in markii ay u soo guurtay Shakira dalka Spain 2011-kii, xiligaas oo ahayd markii uu soo shaacbaxay xidhiidhka iyada Pique ay hayd markii ugu dambaysay ee ay lacag cashuur ah bixiso, intii ka dambaysayna ay ku noolayd Bahamas ilaa 2015-kii.

Hase yeeshee kooxda difaacaysa Fanaanada Shakira ayaa iftiimiyey in ilaa iyo 2014-kii lacagaha ay macaashtay badidoodu ay ahaayeen kuwo ka soo galay dalxiisyo caalami ah iyo in aanay ku noolayn wax ka badan lix bilood sanadkii dalka Spain.

Arintan ayaa noqonaysa markii labaad ee mudo laba bilood gudahood ah oo Shakira ay ka soo hormuuqato maxkamada dalka Spain kadib markii ay beenisay eedaha iyada heesaaga kale ee Carlos Vives loo jeediyey.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA