Laascaanood Iyo Hargeysa Oo Meydad Laga Helay

Sool (HCTV) – Dhowr Qof ayaa ku Geeriyooday Roobab Maalmihii u dambeeyay ka da’ayay Gobollada Somaliland, sida Sool iyo Maroodi-jeex.

Dadkaasi waxa ka mid ah Cismaan Maxamed Cilmi oo Allaah ha u naxariistee ahaa Wiil da’diisu tahay 12 Jir, sida Weriyaha HCTV ee Gobolka Sool uu ku dhintay Balli-biyood uu ku dhacay.

Ehelada Wiilka dhallinyarada ah ee dhintay, ayaa sheegay in Meydka Wiilkooda ay ka soo heleen Balli-biyood ku yaalla deegaanka Jabka-qoriga oo ah duleedka Magaalada Laascaanood, kuwaasi oo ay buux dhaafiyeen Roobabkii u dambeeyay.

Badhasaabka Gobolka Sool, Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa Tacsi u diray Ehellada Wiilka yar ee Meydkiisa la helay, waxaanu baaq u diray Waalidiinta kale “Hooyada iyo Aabbuhu ha ogaadaan meesha Ilmahoodu ku maqan yahay..” ayuu yidhi

Dhanka kale, Waxa Shalay Dooxa weyn ee kala qaybiya Magaalada Hargeysa laga helay Meydka Allaah ha u naxariis Nin la sheegay inuu qaaday Daad habeenkii Isniintii maray Dooxa.

Habeenkii Isniinta ayaa waxa Dooxa weyn ee Hargeysa maray biyo badan, taasi oo keentay in Isku-socodka Gaadiidka ee badhtamaha Magaaladu cidhiidhi galo, maaddaama oo ay Dadku suuqa aad uga adeegsanayeen Ciidda awgeed, Gaadiidka mari jiray meelaha aan Biriijyada lahayna uu Daadku xidhay.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka