Addis Ababa Oo Loo Doortay Inay Martigaliso Shirka 70aad Ee FIFA

Addis Ababa, (HCTV) – Caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa loo doortay inay martigaliso shirka soo socda ee golaha maamula kubadda cagta aduunka ee FIFA sanadka 2020-ka.

Dhawaaqan shirka 70aad ee FIFA ee ka dhacaya Addis Ababa ayaa lagaga dhawaaqay markii uu dhamaaday shirkii 69th ee ka dhacay caasimada dalka Faransiiska ee Paris.

Sida uu sheegay Madaxa shaqaalaha ee Midawga Afrika, kaas oo tilmaamay in shirkan FIFA uu ka dhici doono xarunta Midawga Afrika ee Addis Ababa bisha May 2020-ka.

Si kastaba ha ahaatee horaantii bishii May ee sanadkan 2019-ka ayay ahayd markii Caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa ay sidoo kale martigaliso shirkii maalinta madaxbanaanida Saxaafada aduunka, oo saddex maalmood kulamo ay Saxaafada aduunku ay ku lahayd Addis Ababa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA