Puntland Oo Mar Kale Somaliland Ku Eedaysay Inay Taageerto Al-shabaab

Garoowe (HCTV) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed-karaash) ayaa Somaliland ku eedeeyay inay taageerto kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Maanta kormeer ku tagay Jidka u dhexeeya Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo Roobab gooyeen, ayaa ka hadlay Xaaladda deg-degga ah ee Madaxweynaha Somaliland ku soo rogay deegaanno ka mid ah Gobolka Sanaag, waxaanu yidhi “Waxa la yidhi Cunaqabatayn ayuu saaray Sanaag (Madaxweynaha Somaliland), cunaqabatayn mana saari karo, Ilaahayna ma saarin.”

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu faray Hay’adaha Maamulkiisa inay kormeero ku sameeyaan deegaannada Sanaag ee Madaxweynaha Somaliland uu Xaaladda deg-degga ah ku soo rogay “Waxaan farayaa Hay’adaha iyo Dawladda Puntland-ba in si deg-deg ah looga hawl-galo, oo haddii uu isagu saaray innagu aynu kormeerradii samayno..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay inuu sheegay in Al-shabaab ku sugan tahay Degmada Dhahar ee bariga Gobolka Sanaag “Al-shabaabta uu leeyahay Dhahar bay joogaan, waxaan leeyahay Al-shabaab ma joogto Puntland mana taageerno, Al-shabaab iyo Puntland waa kuwa intaa is garaacaya hadh iyo habeen, laakiin meesha lagu bedbaadiyo, Xariiq ma gaadhsiin reer Burco iyo Hargeysa toona, halkana dagaalka ka dhex socda waad la socotaan, markaa Annagu Al-shabaab ma hayno ee xaggaas ayay jiraan oo idiinkaa soo taakuleeya..”

Warbaahintu hore uma baahin hadal uu Madaxweynaha Somaliland ku sheegay in Al-shabaab joogto Dhahar.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka