Ujeedada Socdaal Raysal Wasaaraha Ethiopia Uu Ku Tagay Khartuum

Khartuum, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa ku sugan caasimada dalka Sudan si uu dhexdhexaadin uga dhex dhaliyo Milatariga iyo Mucaaridka, maalmo ka dib markii dibadbaxyaal ay ciidamada ku laayeen caasimada Khartuum.

Socdaalkan degdega ah ee uu Raysal Wasaaraha Ethiopia uu Jimcihii maanta ku tagay magaalada Khartuum ayaa Abiy uu kulamo la yeeshay golaha Milatariga ee Kumeelgaadhka ah, kuwaas oo iyagu dalka Sudan maamulkiisa gacanta ku haya tan iyo intii ay talada dalkaasi ay afgabi kaga tuureen Omar Al-bashiir bishii April, oo shacabku ku kaceen, ayaa waxa la filayaa inuu Raysal Wasaaraha Ethiopia uu wadahadalo isugu keeno Mucaaridka isbadalka iyo xornimada doonka ah, isla maanta.

Afhayeen u hadlay Golaha MIlatariga ee Kumeelgaadhka ah oo la yidhaa Shams-Eddin Kabashi ayaa Raysal Wasaaraha Ethiopia kaga hortagay oo ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee Khartuum oo raysal Wasaaraha Ethiopia uu dalkaasi ku joogi doono socdaal hal maalin ah, isagoo saacadaha soo socdana la kulmi doona hogaamiyaha milatariga Abdel Fattah al-Burhan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA