Wasiirro Ka Hadlay Muran Ka Dhashay Cidda Noqonaysa Ku Simaha Wasiirka Qorshaynta Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Xuseen Buuni ayaa si wada jir ah  u sharraxay sababta uu Madaxweynaha Somaliland uu Wasiirka Maaliyadda si ku meel-gaadh ah ugu magacaabay inuu ku sime u noqdo Wasiirka Qorshaynta oo Xaalad Caafimaad dibedda ugu maqan, xilli uu Wasiir ku-xigeenkii Wasaaraddu joogo.

Dr. Sacad ayaa sheegay in Hawsha Wasaaradda Qorshaynta ay sii wadayaan Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta Qaranka Xuseen Buuni, isaguna uu ku kaabayo hawlahooda, maaddaama oo muddo dheer hore Wasaaradda uga soo shaqeeyay “Madaxweynuhu wuu ku kalsoon nahay Wasiir Xuseen, imikana isagaa Wasaaradda hawl-maalmeedkeeda wada, halkaana wuu ka sii wadi doonaa, Aniga kaalintaydu waa mid kaabis ah..”ayuu yidhi, Wasiirka Maaliyaddu.

Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta Qaranka, Xuseen Buuni oo isaguna faahfaahiyey ujeeddada isago oo Wasaaradda jooga Wasiir Sacad loo keenay ayaa yidhi “Hawshii Wasaaradda Qorshayntu uga masuulka ahayd Qaranku way socotaa oo Annaga ayaa hoggaaminayna, ka Wasiir ku-xigeen ahaan Anigaa hoggaaminaya, Agaasimihii guud iyo Agaasimihii Waaxaha, hawshiina si caadi ah ayaanu u wadnaa.”

Eng. Buuni waxa kale oo uu sheegay “Wasiir Sacad Cali Shire shan sanadood ayuu Wasiirka Qorshaynta xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, markaa maaddaama oo uu waayo-aragnimo iyo aqoon badan u leeyahay Wasaaradda si odaynimo wixii Talo ah ee aanu uga baahano ayuu Qorshuhu yahay inuu naga kaabi doono Wasiir Sacad inta Wasiirka Wasaaraddu maqan yahay.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Arrintu arrin Qabyaaladeed maaha, arrin reereedna maaha, waxaanu nahay masuuliyiin Qaran, waxaanu u shaqaynaynaa Qaranka, Nina kursiga uma joogo inuu Qoyskiisa u shaqeeyo.”

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka