Weriye Lagu Eedeeyay Inuu Doonayey Inuu Maandooriye iibiyo

Mosco (HCTV) – Ivan Golunov oo ah Weriye Ruushka u dhashay oo sameeya baadhitaannada ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayey inuu si sharci-darro ah u iibiyo Mukhaadaraad, sida uu sheegay Pavel Chikov oo ah Looyar caan ku ah Difaaca Xuquuqda Aadamaha.

Weriye Ivan Golunov ayaa la xidhay, laakiin wuxuu ku dhex xanuunsaday Saldhigga Booliska,  hase-ahaatee dhakhaatiirta looma ogola wakhtiyada qaar.

Xadhigga Weriyahan baadhitaannada musuqmaasuq sameeya weli Masuuliyiinta Dawladda Ruushku ugama hadal si furan.

Weriyahan oo 36 Jir ah isla-markaana ka hawl-gala Website-ka Meduza oo xaruntiisu tahay Latvia, ayaa waxa Boolisku qabtay Khamiistii la soo dhaafay.

Website-ka uu u shaqeeyo oo xadhiggiisa ka hadlay ayaa sheegay inuu dhibbane u yahay Xirfaddiisa Suxufinimo, waxayna intaa ku dareen in Boolisku garaacay markii ay Saldhigga ku xidheen.

Sidoo kale, Looyarka weriyuhu wuxuu sheegay inuu diiday Cuntada iyo Hurdadaba.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka