Laba Gabdhood Oo Cusbitaal Loo Dhigay Markii Ay Isku Dayeen In Xiliga Caadada Ay Dhakhso Usoo Afjaraan

Seattle, (HCTV) – Laba gabdhood ayaa cusbitaal la dhigay kadib markii ay qalabka wax lagu nadiifiyo ay u isticmaaleen in xiliga caadada ay si dhakhso ah ugu soo gabogabeeyaan.

Kalkaaliso ku sugan Seattle ayaa xaaladda daran ee labadan gabdhood oo da’dooda ay ku sheegtay 19 jir iyo 23 jir, ku tilmaantay inay xaalad daran kala kulmeen markii ay isku dayeen habkan khatarta badan ee loo yaqaano menstrual extraction, sida ay ku warantay Warbaahinta the Mirror.

“Habloow….fadlan joojiya isticmaalka qalabkan wax lagu nadiifiyo ee aad ku doonaysaan inaad dhakhso usoo afjartaan caadadka,” sidaasi ayay Kalkaalisadu ay Twitter-ka ku baahisay, ka hor intii aanay xidhin barteeda gaarka ah.

“Waxaad iska soo saaraysaan in ka badan dhiiga! Waxaana jira laba kiis oo arintan ku saabsan oo dhacay todobaadkan iyo in labada dumar ahiba ay doonayeen inay iska soo nadiifiyaan. Joojiya!

“Anigu ma garanayo hadii ay yihiin Eureka, Dyson, Hoover ama nooca Walmart, balse haa waxa uu ahaa qalabka wax lagu nadiifiyo,” ayay intaasi ku dartay Kalkaalisada reer Seattle.

Waxaanay iyadoo ka sii hadlaysa qoraalka ku saabsan khatarta in qalabkaasi loo isticmaalo in lagu soo saaro dhiiga, sida ay Warbaahinta Mirror sheegtay.

“xiligaaga caadadu si aayar aayar ah ayuu u soconaya oo ah sidii loogu talo galay oo ah si uu jidhkaagu u dulqaadan karo,” ayay qoraalkeeda raacisay. Waxaanay intaasi ku dartay “Isticmaalka qalabkan wax lagu nadiifiyo waxa uu ka awood badan yahay 1,000 jeer,kaas oo jidhkaagu aanu u dulqaadan karin, waxaanad ku galaysaa xaalad naxdin leh.” Ayay hadalkeeda ku soo gabogabaysay Kalkaalisadu.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.