Ururka WHO Oo Ka Digay Ebola Cusub Oo Si Balaadhan U Faafaya

DRC, (HCTV) – Hay’adda caafimaadka Aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa sheegtay in aduunku uu galayo waji cusub, halkaas oo uu ka dilaaci doono cudurka ebola oo khatar ah kaas oo si cusub oo caadi ah u faafaya.

Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa intaasi ku dartay in cudurkii hore ee Ebola uu u faafayey isagoo saamaynaya tiro yar oo dad ah oo kaliya balse kani uu u faafayo si balaadhan.

Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo ayaa wajahaysa markii labaad faafida igu balaadhnayd waligeed ee cudurka Ebola, mudo hada laga joogo saddex sanadood markii uu soo dhamaaday kii ugu balaadhnaa aduunka.

WHO waxa ay sheegtay in wadamada iyo kuwa la shaqeeyaaba ay u diyaargaroobaan faafida midkan cusub ee dilaaga ah.

Waxaanay tilmaantay in 2,025 kiis oo cudurka Ebola ah iyo 1,357 ay u dhinteen intii uu Virus-ku uu ku faafay Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo.

Markii ugu badnaa ee cudurkani uu ka dilaacay Galbeedka Afrika ayaa waxa uu asiibay 28,616 qof oo badidoodu ku nool dalalka Guinea, Liberia iyo Sierra Leone. Waxaanu ajasha dhaafiyey dad tiradood lagu sheegay 11,310.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA