Sucuudiga Oo Loogu Baaqay Inuu Joojiyo Dilka Wiil Shan Sano Ka Hor La Xidhay

Riyadh, (HCTV) – hay’adda u dhaqdhaqaaqda Arimaha xuquuqal Insaanka ee Amnesty International ayaa ugu baaqday Sucuudi Carabiya inay joojiso xukun dil ah oo lagu riday wiil yar oo la xidhay shan sano ka hor.

Murtaja Qureiris ayaa la xidhay isagoo da’diisu ay tahay 13 markii uu ka qaybqaatay dibadbax lagaga soo horjeedo dawlada kaas oo xidhan tan iyo xiligaasi, sida ay sheegtay Amnesty International.

Wiilkan yare e Murtaja Qureiris, ayay hada da’diisu tahay 18, waxaana la filayaa inuu wajaho dil lagu filiyo, walow marar badan dib loogu dhigay madaama oo da’diisu ay ahayd 10 jir, sida ay warbixinta ku sheegtay Kooxda Xuquuqal Insaanku.

Dacwad oogayaasha dalka Sucuudiga ayaa ku riday xunkun dil ah Murtaja Qureiris bishii August, waxaana lagu soo deedeeyey inuu ka qaybqaatay dibadbax lagaga soo horjeeday dawladda, waxaanu xiligaasi uu ka qaybgalay aaska walaalkii Cali Qureiris oo lagu dilay dibadbaxaasi 2011-kii,”Siday ay maalintii jimcihii ay baahisay hay’adda Amnesty International.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.