Tirada Maxaabiis Itoobiyaan Ah Oo Abiy Axmed Ka Soo Daayey Suudaan

Addis Ababa (HCTV) – Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dib ugu laabtay Magaalada Addis Ababa, ka dib booqasho Hal Maalin ah oo uu ku tagay Caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Raysal-wasaaraha ayaa Diyaaraddii gaarka ahayd ee uu ku tagay Suudaan kaga soo qaaday 78 Maxaabiis Itoobiyaan ah oo muddo halkaa ku xidhnaa, ka dib markii Suudaan Xorriyaddooda u soo celisay.

Maxaabiistan oo muddo ku xidhnaa Suudaan ayaa intii aan la soo daynin ku xukunaa Xabsi gaadhaya 20 sanadood, waxaana loo haystay arrimo kala duwan.

Wakaaladda Wararka ee Itoobiya Ee ENA oo HCTV soo xigtay ayaa ku warrantay in Maxaabiistan la soo daayey, ka dib Wada-hadallo bilihii u dambeeyay u socday Khartoum iyo Addis Ababa.

Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa Maxaabiista laga soo daayey Xabsiyada Suudaan kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Suudaan, ka dibna waxa diyaaraddii Weftigiisa sitay soo qaadday Maxaabiista.

Abiy Ahmed ayaa Jimcihii Magaalada Khartoum u tagay inuu dhexdhexaadiyo Millateriga Suudaan iyo Dibed-baxayaal doonaya in Talada lagu wareejiyo Rayidka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka