WADDANI Oo Xabsiga Ku Booqday Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Wariye Coldoon Oo Mudo Xidhan

Hargeysa, (HCTV) – Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Khadar Xuseen Cabdi oo ay wehelinayaan saraakiil kale oo ka tirsan xisbigaasi ayaa maanta xabsiga magaalada Hargeysa ku booqday Maxamed Sidiiq Dhame oo ah gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani iyo Wariye Coldoon oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku xidhnaa Xabsiga Hargeysa, Sida uu ku waramayo Wariye Xasan Galay oo ka tirsan HCTV.

Masuuliyiintan xisbiga Waddani ayaa sharci daro ku tilmaamay xadhiga Maxamed Sidiiq dhame iyo Wariye Coldeen, waxaanay ku baaqeen in sida ugu dhakhsaba badan loo sii daayo.

“Waxa ayaan daro ah in Maxamed Sidiiq dhame oo ah Gudoomiyihii Garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani uu u xidhan yahay arin siyaasi ah, afartan maalmood ayuu maanta marayaa, afartankaa maalmood ilaa maanta maxkamad lama keenin, waa ayaandarooyinka maanta wadankeena ka taagan in xadhigii uu iska fududaaday.

Dad badan ayaa halkaasi ku xidhan, inta la arkayo ee muuqata ee loo hadlayo waxa ka badan inta aan la arkayn ee iyaguna sidaasi dulmiga ugu xidhan, dulmigu meel ma fadhiisto, dulmigu ummaddaha wuu burburiyaa, dulmigu dadka wuu baabiiyaa, markaa in dulmigaasi aynaan isdulmiyin ayaa wanaagsan.

Xukuumada waxaanu u sheegaynaa in dariiqaa aynu hayno la yaqaano halka uu ku dhamaado, dariiqaa ah in dadka la cabudhiyo, dariiqa ah in aragtida kaa soo horjeeda la diido, dariiqa ah in dadka la iska xidho oo si aan sharciga waafaqsanayn loo xidho dariiqaasi meel ayuu ku dhamaadaa taariikhiyan way sugan tahay, meel fogba adiga oon taariikh ka doonin Cabdi Iley iyo halkuu ku dambeeyey iyo dadkuu xidhxidhayey iyo maanta foolxumada ka jirta hadii maanta lala soo sheekaysan lahaa ayaa la garan lahaa wuxuu odhan lahaa.” Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Khadar Xuseen Cabdi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.