Weerar Lagu Dilay 100 Qof Oo Ka Dhacay Maali

Mali (HCTV) – Ku dhawaad 100 Qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Tuulo ku taalla Badhtamaha Dalka Maali.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Sobale Kou oo kulaalaya ama ku dhow Sanga town, sida uu baahiyey Channel Afka Faransiiska ku hadla ee RFI.

Meydadka Dadka la dilay ayaa la gubay, sida uu sheegay Masuul Maxali ahi, waxaana socda baadi-doon loogu jiro Meydadka Dadka kale oo la dilay.

Bilihii u dambeeyay waxa Maali ka dhacayey Weerarro ay geysanayaan Kooxo diimeedyo Jihaadiyiin ah iyo Qabiilooyin, waxaana inta badan la beegsadaa Qabiilka Dogon oo ah Ugaadhsato.

Dagaallada u dhexeeya Ugaadhsatada Dogon iyo Qabiilka Xoolo-dhaqatada ah ee Fulani ayaa joogto ka ah Maali.

bishii saddexaad ee sannadkan waxa la dilay 130 Qof oo ka soo jeeda Qabiilka Fulani, waxaana  xiligaa dilkaa geystay Rag ku lebisan Dharka dhaqanka ee Ugaadhasatada Qabiilka Dogon.

 

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka