Magaalo ay Biyo Qarqiyeen oo Sanadkiiba Mar la Arko.

HINDIYA (HCTV) Sanadkiiba bil kaliya ayay soo if baxdaa oo la arkaa 11-bilood ee kalena  biyaha ayay ku hoos jirtaa biyaha, waa Magaalo lagu magcaabo Curdi ku taalay Galbeedka Gobolka Goa ee Dalka Hindiya, oo  33 sano ka hor ay biyo xoogani dabooleen.

Taariikhdii hore magaladani Curdi, waxay ku taalay laba buurood dhexdood waxaana dhibaato ku hayay  fatahadahaadaha biyaha  xiliga roobabaadka.

jiritaanka magaaladani ayaa soo afjarmay 1986, kadib markii dawladda hindiya ay halkaasi ka samaysay biyo xidheen wayn, kaasi oo saamayn xun ku yeeshay magaaladani biyo badan ayaana dulmaray oo qarqiyay magaaladani.

The Salaulim dam

dadkii ku noolaa magaalada ayaa xiligaasi laga daadgureeyay oo la dejiyay meel kale.

sanadkasta bisha shanaad ee May, ayay soo muuqdaan dhismeyaasha magaaladani.
dadkii magaaladani degenaan jiray ayaa bishaasi isu yimaada dabaaldeg ay ku xusayaan muuqaalka magaaladaasi biyuhu qariyeen.

HORN CABLE TV.
WAAXDA ONLINE-KA

Curdi

CurdiThe Salaulim damGajanan and Mamta Kurdikar