Cutubyo Ciidanka Laga Cabsado ee RSF oo loo Diray Gobolada Sudan.

SUDAN (HCTV) Golaha Militeriga Maamula Dalka Sudan ayaa amaray in Cutubyo ciidan oo ay ku jiraan ciidanka sida Militeriga u tababaran ee RSF loo kala diro Gobolada dalka suudaan si ay uga hortagaana Rabshadaha ka dhanka ah xukunka militeriga.

Magaalooyinka ay ciidamo badani ku wajan yihiin, waxaa ka mid ah magaalada Umu Durmaan iyo xarumaha Gobolada dalkaasi uu ka kooban yahay.

ciidamada RSF oo ah Boolis si gaar ah u tababaran ayaa in ka badan 100 qof ku dilay hawlgal ka dhan ah dibad baxayaasha oo ay dhawaan ka sameeyeen magaalada Caasimadda ah ee khartuumo, taasi oo dad badan soo xusuusisay dagaalkii daarfuur iyo xadgudubyadii ay ciidanka RSF ka gaysteen.

Related image

Duulimaadyo  la joojiyay.

Diyaaradaha caalamiga ee duulimaadka ku taga dalka suudaan ayaa joojiyay khadadkii duulimaad ee ay ku tagi jireen khartuum, caasimadda Sudan.

shirkadaha Etihad Airways iyo flydubia ee dalka Imaaraadka laga leeyahay ayaa ka mid ah kuwa joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen dalka Sudan.

dalka sudan ayaa u muuqda inuu cagaha la galay Qalalaase siyaasadeed, kadib markii gudiga militeriga iyo wakiilada shacabka mudaaharaadaya ay isku fahmi waayeen qaabka loo wajahayo siyaasadda wadanka.

HORN CABLE TV.
WAAXDA ONLINE-KA

 

Sudanese soldiers stand guard in a street in Khartoum. AFP