Hadal-hayn ka Taagan Geedkii Saaxiibnimada Maraykan & Faransiis oo Ingegay.

Washington (HCTV)Waxay ahayd 29 April 2018-kii Madaxwayneyaasha Dalalka Maraykanka iyo Fransiiska Melania Trump iyo Macron, oo ay daawanayaan labadooda xaas Melania Trump iyo Brigitte Macron,waxay beereen geed xusuus u ah Hiilkii Maraykanku siiyay Faransiiska 100 sano ka hor.

Geedkan qalalay ee xusuusta ahaa ayaa lagasoo qaaday kaymaha Belleau ee ku yaala waqooyiga faransiiska halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 2000 oo Ciidamada Maraykanka oo difaacayay Faransiiska 1908-dii Xiligaasi oo uu socday dagaalkii koobaad ee aduunka.

Trump oo hadlay ayaa yidhi “faransiisku waa dal cajiib ah” isagoo intaasi sii raaciyay “waan jeclahay geedkan”

Mr Macron ayaa isna yidhi “Geedkani Wuxuu xusuus u noqon doonaa cilaaqaadka labada wadan”

balse sanad kadib, ayaa sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka Reuters waxaa uu sawiray geedkii oo aan ku oolin goobtii ay ku beereen labada madaxwayne oo ahayd qaybta koonfureed ee aqalka cad.

wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warrantay in geedkaasi uu dhintay kadib markii la geeyay goobta dhirta lagu baadho laguna xannaaneeyo oo ku taala dalka maraykanka.

dhimashada geedkaasi ayaa kusoo beegantay xilli labada madaxwayne ee maraykanka iyo Maraykanku ay hadallo kulul hawada isu Mariyeen.

ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dawladood oo ku saabsan waxa ku dhacay geedkii xusuusta ee ay beereen labada madaxwayne.

 

HORN CABLE TV 

WAAXDA ONLINE-KA

US President Donald Trump and First Lady Melania Trump participate in a tree planting ceremony with French President Emmanuel Macron and his wife Brigitte Macron on the South Lawn of the White House in Washington, DC, on April 23, 2018