Rakaab Musqul Doonayay oo furay Albaabka Degdega looga baxo Diyaaradaha.

Qof rakaab ah oo saarnaa Diyaarad u kala Gooshaysay Dalalka UK iyo Pakistan ayaa ku kacay fal khatar galiyay diyaaraddii u la socday.

diyaaradda oo ka tirsanayd shirkadda duulimaadka ee Dalka Pakistan ee magaceeda losoo gaabiyo (PIA) ayaa in ka badan 7 saacadood Jimcihii ku xanibnayd, garoonka diyaaradaha ee magaalada Manchester, kadib markii qof  rakaabka ka tirsan oo aan la shaacin macluumaadkiisa  uu si aan badheedh ahayn u  furay Al-baabka la baxo xiliga masiibooyinka iyo xaaladda degdega ah, xilli ay diyaaraddu fadhiday Madaarka oo ay isku diyaarinaysay inay duusho.

ninkani rakaabka ahaa ayaa u socday albaabka Musqusha, balse waxaa uu furay albaabka  loogu talo galay xaaladaha degdega ah inay rakaabku ay ka baxaan.

shaqaalaha garoonka Manchester, ayaa saacado badan ku hawlanaa inay dib u xidhaan albaabkaasi oo u baahan hab farasamaysan in loo xidho si aanuu u furmin diyaaradda oo hawada ku jirta.

diyaaradda ayaa ka duushay madaarka Manchester waxaana ay ka degtay garoonka diyaaradaha ee Islamabad.

 

HORN CABLE TV.

WAAXDA ONLINE-KA.