Kenya Oo Xidhay Xuduudka Ay La Wadaagto Soomaaliya

Lamu (HCTV) – Dawladda Kenya ayaa xidhay Xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya.

Xidhitaanka Xuduudda Kenya ay Soomaaliya kala wadaagto dhinaca deegaanka Lamu ayaa Boolisku sheegay inay tahay sababo amni dartood iyo in lagaga hor-tagayo hawl-gallada Kooxda Al-shabaab ee dhanka Soomaaliya ka soo weerarra Kenya.

Taliyaha Booliska deegaanka Lamu  Mr Muchangi Kioi ayaa sheegay in xuduudka aanay ka gudbi karin Dadku, marka laga reebo Ciidammada Amniga.

Sidoo kale, waxa la mabnuucay in Dadka deggan Tuulooyinka ku teedsan Xuduudka ay iswaydaarsadaan wax Ganacsi ah, waxaanu Taliyaha Booliska Lamu sheegay in Ciddii jebisa Amarradaasi ay Ganacsigooda waayi doonaan oo lala wareegi doono, sida uu sheegay Wargeyska Daily Nation oo HCTV soo xigtay.

Masuuliyiinta Kenya waxay in dhanka Soomaaliya laga soo geliyo Kenya Alaabooyin Sharci-darro ah, kuwaasi oo ay qaarkood yihiin kuwo la been abuuray (Fake).

Waxa kale oo ay sheegeen Masuuliyiinta Kenya ee Wargeysku soo xigtay in dhanka Soomaaliya laga soo geliyo Dad iyo Maandooriyeyaal la Tahriibinayo, kuwaasina ka mid yihiin sababaha loo xidhay xuduudka.

Qaska xuduudka Soomaaliya iyo Lamu-Kenya wadaagaan ayaa bilaabmay sannadkii 2011-kii oo Dagaalyahanno Al-shabaab ah oo ka soo tallaabay dhanka Soomaaliya ay afduubeen Dalxiisayaal iyo Kalluumaysto ku sugnaa Lamu.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka