Jabuuti Oo Beenisay In Maraakiibta Dagaalka Ee IRAN Baddeeda Joogaan

Djibouti (HCTV) – Dawladda Jabuuti ayaa beenisay in Maraakiibta dagaalka ee Iran ku sugan yihiin Xuduudka dhanka Biyaha ee Jabuuti.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Sucuudiga Dhiauddin Bamakhrama ayaa beeniyey Warar Warbaahinta Caalamiga ah qaarkood baahiyeen, kuwaasi oo sheegay in Maraakiibta dagaalka ee IRAN hoganayaan Biyaha badda Jabuuti.

Safiirku wuxuu sheegay in aanay Wararka sidaa sheegaya aanay waxba ka jirin, maaddaama buu yidhi aanay Jabuuti iyo Iran lahayn wax xidhiidh ah, tan iyo markii buu yidhi Jabuuti xidhiidhka u jartay Tehran.

“Ma Jiraan wax Maraakiibta dagaalka ee IRAN ah oo jooga badda Jabuuti ama Dekedahayaga..” ayuu Safiirka Jabuuti ee Sucuudigu ku sheegay qoraal uu soo saaray oo uu baahiyey Middle East Monitor oo HCTV soo xigtay, waxaanu intaa sii raaciyey “Ma Jiro xidhiidh ama iwax skaashi ah oo Iran naga dhexeeya, tan iyo markii Jabuuti xidhiidhka u goysey..”

Dawladda Jabuuti ayaa sannadkii 2016-kii xidhiidhka u jartay Iran, iyadoo la safatay Sucuudiga, ka dib markiii Iraaniyiin cadhaysani ay dhagaxaan ku tuureen Safaaraddii Sucuudiga ee Tehran iyo Qunsuliyaddii ku taallay Mashhad, ka dib markii Sucuudigu dilay Sheekh Shiico ahaa oo aad Caan u ahaa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka