Ethiopia Oo Hawada Ka Saartay Isticmaalka Khadka Internet-ka

Addis Ababa, (HCTV) – Dawladda Ethiopia ayaa dalkaasi oo dhan ka xidhay isticmaalka khadka Internet-ka si ay u ilaaliso sharafta Imtixaanka Qaranka oo dalkaasi ka socda, sida ay sheegeen koox u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Internet-ka.

Kooxdaasi ayaa cadaysay in gabi ahaanba la joojiyey internetka marka la gaadho 7:30 subaxnimo. Talaabadan ay dawlada Ethiopia qaaday ee khadka internet-ka hawada looga saaray ayaa looga gol leeyahay si aanay u dhicin eegasho ama qish inta lagu gudo jiro imtixaanka qaranka ee dugsiyada dalkaasi.

Hase yeeshee waxa ay wararku intaasi ku darayaan ilaa iyo hadda in aanu jirin masuul ka socda dawlada oo cadeeyey talaabadaasi xataa waxa aan ka hadal shirkadaha iyagu adeegaasi iibiya.

“Waxa aanu doonaynaa in ardaydu ay maskaxdoodu soo jeedo iyo in ay ka madaxbanaanaadaan culays maskaxeed iyo wax kasta oo khalkhal ku keenaya,” sidaasi waxa yidhi Mohammed Seid, oo dawlada Ethiopia u qaabilsan arimaha xidhiidhka dadweynaha.

Dalka Ethiopia sanad kasta waxa u fadhiista imtixaanada heerka 10 iyo heerka 12, si ay u galaan jaamacadaha islamarkaana ay iskaga diiwaangaliyaan koorasyada farsamada gacanta ee dalka. Waxaanay ardaydaasi inta badan ay imtixaanada u fadhiistaan inta u dhaxaysa bisha May iyo June.

sidoo kale Wasiirka Waxbarashada ee dalka Ethiopia, Tilaye Gete Ambaye, oo u rajeediyey Ardayda ku jirta imtixaanka shahaadiga ah ee dalka Ethiopia guul iyo in si edeb iyo akhlaaq leh ay ku galaan Imtixaanka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA