Uganda Oo Joojisay Isticmaalka Lacagta Kenya

Kampala, (HCTV) – Dalka Uganda ayaa noqday dalkii ugu dambeeyey ee xubinta ka ah ururka ururka East African Community (EAC) ee joojiya isticmaalka lacagta dalka Kenya kadib markii dalka Tanzania ay joojisay isticmaalka lacagta iyadoo gashay dedaalo bangiyadeeda lagaga joojinayo lacagtaasi isla markaana lacago laga soo xaday dalka Kenya dib ugu celisay Kenya.

Arintan ayaa timid markii baniga dhexe ee Kenya (CBK) uu ku dhawaaqay inuu qorshaynayo inuu in Kunka shilling ee gaboobay (Sh1,000) ee wareegaya ay meesha ka saaraan si ay ula dagaalamaan lacagaha been abuurka iyo sharcidarada ah.

Bangiga dalka Uganda ayaa isagu tilmaamay in talaabadaasi ay u baahnayd in markii uu ku wargaliyey bangiga dhexe ee dalka Kenya ay ahayd inuu soo saar.

Sidoo kale baniga dhexe ee dalka Kenya ayaa joojiyey in la badalo lacagtaasi ama dib loogu soo celiyo.

“Bangiga Uganda (BoU) ma aqbali doono shilling-ka Kenya” sidaasi waxa lagu sheegay warqad dawladdu ay ku socod siisay bangiyada ganacsida ee dalkaasi.

Waxaana sarkaal la taliye u ah baniga Uganda uu sheegay in dhamaan lacagaha ay hayaan ay dalka Kenya ilaa inta ay wax ka qabanayaan lacagta gabowday oo ay ku soo badalayaan mid cusub.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.