Sucuudiga Oo Soo Riday Diyaarado Weerar Ku Ahaa Saldhiggiisa Ciidammada Cirka

Saudi (HCTV) – Ciidammada Cirka ee Dawladda Sucuudiga ayaa soo riday laba diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah.

Diyaaradahan ayaa Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ka dagaalamaa doonayeen inay ku wareerraan Saldhigga Ciidammada Cirka Sucuudigu ku leeyihiin Koonfurta Dalkaas, sida Warbaahinta Dawladdu soo Werisay Salaasada Maanta.

Jabhadda Xuutiyiinta ayaa iyagu sheegay inay Diyaaradahan la soo riday la beegsanayeen Saldhigga Ciidammada Cirka ee Sucuudiga ku leeyihiin Koonfurta Dalkaasi, laakiin hadalkooda ayaa ka horreeyay xilliga diyaaradaha la soo riday.

“Weerarku wuxuu qayb ka yahay Dedaallada Xuutiyiinta Argagixisada ahi ku beegsanayaan Shacabka Sucuudiga..” ayuu yidhi, Afhayeen u hadlay Isbahaysiga Carabta Col. Turki Al Malki oo ka hadlayey Shir-jaraa’id.

Diyaaradood ee Drons-ka ah ayaa beegsanayey Magaalada Khamis Mushait oo 815KM dhanka Koonfur-galbeed ka xigta Riyaad, taasi oo dabcan u dhow Xuduudka Boqortooyadu la wadaagto Yemen.

Wargeyska The National oo HCTV soo xigtay ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay Weerarradooda Gantaallaha iyo Diyaaradaha ah ku kordhiyeen inta xiisadda Maraykanka iyo Iran kor u kacday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka