Sucuudiga Oo Khaati Ka Taagan Diyaarado Yaryar Oo Drone Ah

Riyadh, (HCTV) – Ciidamada difaaca cirka ee dalka Sucuudi Carabiya ayaa sheegay inay soo rideen laba diyaaradood oo nooca yaryar ee aan duuliyaha lahayn ah ee loo yaqaano drone-ka oo ay ku soo ganeen maleeshiyada Xuutiyiinta  dalka ay jaarka yihiin ee Yemen, ee gacan saarka la leh Iran, sida ay ku warantay warbaahinta dalka Sucuudigu.

Diyaaradan yar ee drone-ka ah ayaa lagu bartilmaameedsaday Khamis Mushait oo boqortooyada kaga taala koonfurta, mana jiraan wax khasaare ama waxyeelo ah oo ka dhashay diyaaradaasi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo ee ka dagaalamaya dalka Yemen.

Kooxdan Maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa gacanta ku haya dhul badan oo dalkaasi ku yaala oo ay ka mid tahay magaalada Sanca, waxaana war laga sii daayey warbaahinta kooxdaasi ay leedahay oo la yidhaa Almasirah ay ka sheegeen inay bartilmaameedsadeen saldhig ciidamada Cirka ee King Khalid oo ku yaala Khamis Mushait.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA