Arday Middi ku Hubaysan oo Lagu Toogtay Madaxtooyada Kenya.

Nairobi (HCTV) – Ciidamada ilaaliya Amniga Madaxtooyada wadanka Kenya ayay khasab ku noqontay inay toogtaa arday middi ku hubaysan oo doonayay inuu ka dhaco dayrka ku wareegsan aqalka looga arrimiyo kenya.

25 jirka la toogtay oo lagu magcaabo Kibet Bera,waxaa uu ku jiraa sanadkii shanaad, kulliyadda Injineerinimada Mashiinada ee jaamacadda Jomo Kenyatta, isagoo middi ku hubaysan ayuu soo gaadhay xayndaabka madaxtooyada.

Sarkaal Boolis ah ayaa arkay ardaygan Midida sita ee doonaya inuu dayrka kasoo gudbo, balse waxaa uu ka warwareegay inuu xabad ku dhufto. inkasta oo Askar kale  oo isla goobta ka dhawaa ay arkeen ardaygaasi oo middi ku waabinaya sarkaalka booliska ah taasi ayaana keentay in la toogto dhaawiciisana waxaa loola cararay Cisbitaalka qaranka ee Kenyatta, Sida uu sheegay sarkaal boolis oo ka tirsan Saldhigga Kilimani.

” waa la toogtay, si hubka looga dhigo. gacmaha ayaa ahaa bartilmaameedka balse xabaddu waxay kaga dhacday garabka bidix. hadda xaaladdiisu way fiican tahay mana jirto wax khatar ah ” ayuu Mr Michael Muchiri oo la hadlay wargeyska Nation.

Madaxtooyada Kenya Maxay Ka Tidhi ?

Qoraal ay soo saartay Af-hayeenka Madaxtooyada kenya oo lagu magacaabo Ms Kanze Dena-Mararo, ayaa ku tilmaantay fursad dadku ay ogaan karaan in amniga madaxtooyadu uu sugan yahay.

” waxaan u qaadanaynaa fursad aan dadka ku xusuusinayno in aqalka Madaxooyada loo nidaamiyay goob ilaashan, iyadoo la raacayo xeerka goobaha amnigooda aadka loo ilaaliyo, sababtaas awgeed qofna looma ogola inuu soo galo ogolaansho la’aan ” ayuu yidhi afhayeenku.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Related image