Mac-hadkii U Horreeyay Ee Music Lagu Baranayo Oo Sucuudiga Laga Furayo

Jeddah (HCTV) – Hal-abuurka iyo Heesaaga Nasser Al-Saleh oo u dhashay Sucuudiga ayaa qorshaynaya inuu Boqortooyada Sucuudiga ka furo Machadkii u horreeyay ee lagu baranayo Miyuusigga (Music).

Al-Saleh ayaa sheegay inuu doonayo inuu shaqaalaysiiyo Dadka Fanka ku fiican ee Hal-abuurka leh ee Sucuudiga, si ay u bartaan Music-ga iyo habka ugu fiican ee loo heeso.

Wuxuu sheegay in kor u kaca dhanka Fanka ee Sucuudigu Beryahan dambe ku tallaabsaday uu ku dhiirigeliyey inuu xaqiiqsado inay tahay xilligii uu hirgelin lahaa Riyadiisii ahayd inuu Hablaha iyo Wiilasha Sucuudiga baro Music, sida uu ku warramay Saudi gazette oo HCTV soo xigtay.

 “Music-gu waa Cuntada Ruuxda, Maanka iyo Jidhka, sidaa awgeed waa in Dhallinyarada Ragga iyo Wiilash ah Dugsiyada lagu baraa.” ayuu yidhi Nasser Al-Saleh oo Telefiishan u warramay.

Saleh wuxuu ahaan jiray Fannaan ama heesaa, laakiin wuxuu u xuub-siibtay Qoridda Heesaha iyo Laxamiiste “Imika, waxaan fanaannimada kaga badanahay qoridda heesaha iyo samaynta Laxamada..” ayuu hadalkiisa raaciyey.

 

Horn Cable 

Waaxda ONLINE-ka