Taliyaha Bileyska Gobolka Hiiraan Oo Lagu Dilay Beledweyne

Beledweyne, (HCTV) – Taliyihii qaybta bileyska gobolka Hiiraan ayaa ku geeriyooday iska horimaaad ka dhacay dulleedka magaalada Beledweyne gaar ahaan deegaanka Kala-Baydh oo ku taala badhtamaha Somalia.

Isku dhacan ayaa sidoo kale waxa ku dhaawacmay taliye kuxigeenka ciidamada bileyska ee Baladweyne iyo saraakiil kale, waxaana dagaalka uu ka socdaa Koontoroolka deegaanka Kalabaydh. Waxaanay wararku intaasi ku darayaan in duleedka Baladweyne laga maqlayo rasaasta dagaalka u dhexeeya Ciidamada Bileyska Hirshabeelle iyo kuwo daacad u ah guddoomiyihii xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Waxaana maalmihii ugu danbeeyay la dareemayey xiisad ka taagan magaalada oo ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay Yuusuf Dabageed, taas oo ugu danbeyntii keentay iska horimaadka maanta dhacay.

Xaalada magalada Baladweyne ayaa xilligaan kacsan, iyada oo laga dareemayo colaad dagaal duleedka degmadaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.