Dhaqaalaha Masar Oo La Sheegay Inuu Dumayo

Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi meets with Managing Director of the International Monetary Fund Christine Lagarde during their meeting as part of the G20 Leaders' Summit in Hangzhou, China, on Sept. 3, 2016. Egyptian Presidency Press Office/Anadolu Agency/Getty Images

Qaahira, (HCTV) – Hal sano ka dib markii dawlada Masar ay aag badalatay ‘Maalgashiga aduunkuna uu dhamaaday’  dadka arimaha maaliyada iyo dhaqaalaha ka faalooda ayaa ku tilmaamay in meesha suuqeedu uu kulul yahay isla markaana uu hoos u socdo dhaqaalaha dalkaasi.

Inkastoo ay jireen maalgashadayaal ku soo qulqulayey dalkaasi mudooyinkii u dambeeyey, isla markaana doonayey inay ku nasiibiyaan iyagoo rajaynaya inay wax ka samayntaan suuqa lacagta ee dalka Masar.

Balse bishii December 2018-kii waxa uu hoos u dhucu noqday 20% marka loo eego sanadkii hore, waxaana sanadii dambe ee xigay 2019-ku uu ku sii socday isla jidkaasi.

Mid ka mid ah bangiyada maalgashiga aduunka ayaa ku tilmaamay Masar inuu ka soo kaban doono isla markaana ay tahay meesha ka soo kabashada iyo isbadalka leh marka loo eego Bariga Dhexe, Afrika iyo Bariga Yurub.

Hadaba si loo fahmo dhamaan caqabada xaqiiqada hubaal la’aanta dhaqaalaha dalkaasi ku keentay. Ayaa waxa jiray Warbixin uu daabacay Bangiga Aduunku bishii April 2019-kii, taas oo lagu xisaabiyey in “boqolkiiba 60% shacabka dalka Masar ay yihiin Sabool ama kuwo daciif ah dhaqaale ahaan.” Marka loo eegayo xaaladaha nolosha.

Sidoo kale waxa dhaqaalahan aan kobcayn ee dalka Masar loo sibir saarayaa dhibaato maamul xumo ah oo dhinaca dawlada ah iyo dayac jira inuu sabab u yahay taas oo keentay in qiimo dhac farabadan uu ku yimaado lacagta dalkaasi.

Waxaanay dawladdu ay wakhti xaadirkan u qoondaysay 38% miisaaniyada in ay ku bixiso sidii looga soo kaban lahaa hoos u dhaca, iyo daymo farabadan oo ay ka raadinayso hay’adda lacagta aduunka ee IMF-ta.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA