Uganda Oo Lagu Arkay Qof Qaba Cudurka Ebola

Uganda (HCTV) – Dalka Uganda ayaa lagu arkay Qofkii ugu horreeyay ee qaba Xanuunka halista ee Ebola.

Wiil shan jir ah oo dhiiggiisa la baadhay ayaa laga helay Cudurka Ebola, kaasi oo noqonaya Kiiskii ugu horreeyay ee Xanuunka Ebola lagala soo tallaabo dhanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, tan iyo xilligii uu halkaa ka dillaacay.

Warka ah in Wiil shan Sano jir ah oo ku sugan Dalka Uganda laga helay Cudurka Ebola waxa Shalay shaacisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee Magaceeda loo soo gaabiyo WHO.

Hay’adda WHO waxay sheegtay in Wiilka Cudurka laga helay lagala soo gudbay dhanka Congo oo la keenay dhanka Uganda, ka dib markii Qoyskiisu 9-kii bishan ka yimaaddeen Congo, isagoon Cudurka lagu ogayn, balse Baadhitaan lagu sameeyay markii Uganda uu yimid ayaa lagu ogaaday inuu qabo Xanuunkaasi.

“Ilmaha iyo Qoyskiisu waxay dalka ka soo galeen Xuduudka Bwera, ka dibna Xarun Caafimaad oo ku taalla Xuduudka Kagando oo Hawl-wadeennada Caafimaadku Dadka kaga hubiyaan Ebola ayaa xaqiijiyey.” ayay WHO ku sheegtay qoraal ay soo saartay

Wasiirka Caafimaadka ee Uganda ayaa sheegay in Wiilka iyo Qoyskiisa oo ay ku jirto oo Hooyadii  u dhalatay Congo dib loogu celiyey dhinaca Congo, ka hor intii aanay u soo gudbin dhanka Uganda.

Cudurka Ebola ayaa faro-baas ku haya Dadka reer Congo, waxaana Warbaahinta Adduunku sheegaysaa inuu hadda ka gudbay xuduud lagu xakamayn karo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka