Deg-deg: Dagaal Ka Dhacay Tuke-raq (Akhri)

Tuke-raq (HCTV) –  Abaarro 2-dii habeennimo ee Xalay waxa dagaal bariga deegaanka Tuke-raq ee Gobolka Sool ku dhex maray Ciidammada Somaliland ee halkaa fadhiisimada ku leh iyo Ciidamo la sheegay inay ahaayeen kuwa Khaatumo.

Ciidamo ka mid ah kuwa Khaatumo ayaa Weerar ku qaaday Ciidammada Somaliland ee fadhiisinimada ku leh Tuke-raq, gaar ahaan Saldhigga dhanka Bariga, waxaana halkaa ka dhacay Dagaal la isku adeegsaday Noocyada kala gedisan ee Hubka.

Weriyaha HCTV ee Sool ayaa soo sheegay in Sarkaal ka mid ah Khaatumo uu u sheegay in Ciidamadoodu Weerar ku qaadeen Ciidammada Somaliland ee fadhiya bariga degmada Tuke-raq, balse illaa hadda lama oga khasaaraha soo kala gaadhay labada dhinac.

Dhanka kale, Dadka ku nool deegaanka uu Dagaalku ka dhacay ayaa Weriye Olol u sheegay inay ku tooseen deryanka hubka, arrintaasina ay cabsi ku abuurtay.

HCTV kala soco

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka