Hindiya: Afar Qof Oo U Geeriyooday Kulayl

Hindiya: Afar Qof Oo U Geeriyooday Kulayl

Balochistan: Dablay Laysay Rakaab Bas Ku Safrayey
Dawladda Soomaaliya Oo Cambaaraysay Gantaal Xuutiyiintu La Beegsadeen Makkah
Xuutiyiinta Yemen Oo Mar Kale Weerarray Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaalla Sucuudiga
Gobolka Amxaarada Ethiopia Oo Madaxweyne Cusub Yeeshay
Somaliland: Hay’adaha Oo Saddex Qaybood U Qaybiyey Nabadgalyada Dalka

India (HCTV) – Inta la ogyahay Afar Qof baa kulayl daran ugu dhex dhintay Tareen ay ku safrayeen Waqooyiga Dalka Hindiya.

Kulaylkan ayaa Labadii Toddobaad ee u dambeeyay halkaasi ka taagnaa, sida ay sheegeen Madaxda Dalkaasi.

Afarta Qof ayaa Geeriyooday Isniintii xilli ay ka soo safrayaan Caasimadda Magaalada Agra, waxayna ku socdeen Coimbatore oo Koonfurta Hindiya ku taalla.

Afarta Qof ayaa Xaaladdoodu is beddeshay markii Tareenku muddo safrayey, nasiib-darro’se markii Xaaladdooda lagu wargeliyey Maamulka Tareenka ee la geeyay Cisbitaal nafba laguma gaadhin, sida uu sheegay Ajit Kumar oo ah Afhayeenka Maamulka Tareennada Hindiya.

Kulaylka ayaa gaadhay 45 Degree deegaanka Jhansi oo ah Waqooyiga Gobolka Uttar Pradesh, ahna halka naftu ku qabatay afarta Qof ee Geeriyooday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS

%d bloggers like this: