Xuutiyiinta Oo Weerar Khasaare Geystay Ku Qaaday Sucuudiga

Saudi (HCTV) – 26 Qof baa ku dhaawacmay Garoonka diyaaradaha ee Abha ee Dalka Sucuudiga, ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ee Iran taageertaa hub ku soo tuureen Garoonka.

Afhayeenka Isbahaysiga Sucuudigu Hoggaamiyo Colonel Turki Al Malki ayaa sheegay in Garoonka, gaar ahaan hoolka ay fadhiistaan Dadka soo degaa lagu dhuftay gantaal Culus, taasina keentay dhaawaca 26-ka Qof, laakiin ma qeexin nooca hubka lagu dhuftay Garoonku.

Afhayeenku wuxuu sheegay inuu dambi-dagaal yahay Weerarka lala beegsaday Garoonka boqortooyada Sucuudiga ee Abha, masuuliyaddeedana ay qaadi doonaan Jabhadda Xuutiyiintu, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Dawladda Sucuudiga oo HCTV soo xigtay.

Garoonka la weerarray ayaa 125 Mayl dhanka Waqooyi ka xiga Xuduudka Sucuudigu la wadaago Yemen.

“Weerarka lagu qaaday Madaarka Abha wuxuu caddaynayaa in Xuutiyiintu Hub Casri ah ka heleen Iran..” ayaa lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay Isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo.

Dhanka kale, Telefiishanka ku hadla Afka Xuutiyiinta ee Al Masirah TV ayaa sheegay Weerarka Xuutiyiintu ku qaadeen Madaarka Abha, waxaanu sheegay in Weerarkaa loo adeegsaday Gantaal.

Millateriga Sucuudiga iyo Ciidammada kale ee Amniga ayaa ka shaqaynaya sidii ay u ogaan lahaayeen nooca Gantaalka weerarkan loo adeegsaday, sida uu sheegay Al Malki

Salaasadii Shalay, ayaa Ciidammada Cirka ee Sucuudigu waxay soo rideen laba diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, kuwaasi oo Xuutiyiintu doonayeen inay ku weerarraan Saldhigga Ciidammada Cirka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka