Cudurka Daacuunka Oo Ka Dilaacay Ethiopia Iyo Tirada Dhimashada Oo La Shaaciyey

Addis Ababa, (HCTV) – Ugu yaraan 525 qof ayuu asiibay bacteriyada cudurka Daacuunka, sida ay xaqiijinayaan hay’addaha caafimaadka ee dalka Ethiopia.

Machadka caafimaadka dadweynaha ee dalka Ethiopia ayaa shaaciyey in cudurkan Daacuunka ama cholera uu ka dilaacay dalka Ethiopia, isla markaana ay ku dhinteen 16 qof, waxaana uu tilmaamay in cudurkan Daacuunka ay keento bacteria-da la ydihaa the Vibrio bacteria.

Cudurkan Daacuunka ayaa ka dilaacay ama asiibay gobolada Oromia, Amhara, Tigray iyo xataa magaalada Addis Ababa oo lagu arkay dad uu soo ritay xanuunku.

Dhibaatada ugu weyn ayuu cudurkani uu gaadhsiiyey gobolka Amhara, waxaanu gobolkaasi ku dilay 14 qof sida ay ku warantay warbaahinta FANA oo soo xiganaysay Agaasime ku xigeenka macadka caafimaadka dadweynaha ee dalka Ethiopia ninka la yidhaa Beyene Moges oo isagu shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay arinta cudurkan ka dilaacay dalka Ethiopia.

Beyene ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday oo sheegay in calaamadaha 19 qof oo cudurku asiibay oo lagu shaybaadhay lab si loo ogaado waxa uu ka dhashay cudurku lagu xaqiijiyey in cudurkaasi ka dilaacay dalka Ethiopia.

Waxaana wararka ka imanaya dalka Ethiopia ay sheegayaan in meelaha uu Asiibay cudurkaasi loo daad gureeyey dawooyin sida ay ku waramayso FANA.

Cudurkan Daacuunka ama Cholera ayaa ah cudur ay calaamadihiisa ay ka mid fuuq bax farabadan, iyo miisaanka qofka oo hoos u dhac weynihi uu ku yimaado markaba.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA