Gabadh Ku Dhalatay Gacmo La’aan Oo Imtixaankii Dugsiga Kaga Soo Qaaday A+

Malapuram, (HCTV) – Devika Sajeev, waa gabadh ku dhalatay gacmo la’aan oo wax ku qorta cagaheeda, waxaanay dhawaan imtixaankii shahaadiga ahaa ee dalka Hindiya oo ay u fadhiisatay fasalka 10aad ay ka keentay in dhamaan maadooyinkii ay gashay ka keento A+.

Balse Devika iyo waalidkeed uma arkaan wax layaab leh in gabadhoodu ay keento A+ dhamaan maadooyinka fasalka tobnaad ee sanadkan. Devika oo ka soo jeeda Malapuram, Kerala ayaa dhamaan imtixaanka laga qaaday kaga shaqaysay lugaheeda, inkastoo ay tahay arin dadka kala ay u arkaan mucjiso iyo wax cajiib ah balse qoykeeda ayaa u arka arimaha maalin kasta. Taasina waa sida Devika oo ku dhalatay gacamo la’aan ay badanaa wax u qorto.

“Waxay ahayd sidaasi tan iyo dhalashadeedii,” sidaasi waxa yidhi Devika aabaheed oo la yidhaahdo Sajeev, oo ah sarkaa mudo ka tirsanaa ciidamada saldhiga bileyska ee Thenhipalam, Malappuram. Waxaana Devika isugu soo dubariday waxbarashadan taliyaha bileyska ee Kerala oo magaciisa la yidhaa Lokanath Behera. Waxaanay saati ay awood iyo sii socosho maskaxeed ay ka caawisay iyada inay guulaysato ayuu sidaasi yidhi taliyahaasi xili uu gudoonsiinayey shahaadada Devika.

Hooyada dhashay Devika oo ah guri joogto cajiib ah ayaa Qalin Beensalkii ugu horeeyey u galisay cagta Devika si ay ugu barato xarfaha ugu horeeya waxbarashada markii dambana waxaabay u diyaargarowday inay ku biirto dugsi.

“Macalimiintii dugsigeeda ayaa sidoo kale caawiyey, dabcan. Dhamaantoodna waxay ugu iman jireen inay iyada soo booqdaan natiijaduna waa taasi,” ayay tidhi Sujitha.

Gabadhan gacmo la’aanta ku dhalatay ee cagaha wax ku qorta ee Devika ayaa wax ku qori karta afafka Malayalam, Ingiriisiga iyo Hindiga.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA