Oman Oo Cashuur 100% Kusoo Rogtay Sigaarka, Cabitaanada Tamarta Kordhiya Iyo Khamriga booze

Masqaṭ, (HCTV) – Dalka Oman ayaa cashuur cusub ku soo rogay Tubaakada, Cabitaanada tamarta laga helo iyo khamriga nooca loo yaqaano Booze, waxaana cashuurahaastaasi boqolkiiba boqolka ah dhaqangalkeedu uu bilaabmi doonaa 15-ka bishan June oo maalmo yari inaga xigaan, dalka Oman oo ah dal yar oo ku yaala gacanka ayaa soo saara shidaalka ama saliida waxaana ujeedooyinkiisa hada ka mid ah sidii uu u kordhin lahaa dakhliga dalka soo kola loo kordhin alahaa maadaama oo sanado badan ay hoos u dhacaysay qiimaha shidaalku, sida ay ku warantay waxaalada wararka ee Reuters.

Waxaana Cashuurtan cusub ee 100% ah la filayaa in ay yarayn doonto soo saarka Tubaakada, sharaabada tamar ahaanta loo cabo, iyo khamriga iyo hilibka qaansiirka laftigiisa, waxaana cashuurtii hore ee dawlada Oman ay dul dhigtay waxyaabahaasi ay ahayd 50% boqolkiiba, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xoghaynta ee cashuura oo ay daabacday wakaalada wararka ee dawlada Oman.

“Arinta cashuurtani waa cashuur la dul dhigay waxyaalo la isticmaalo oo loo baahan yahay kuwaas oo loo tixgaliyo inay yihiin cashuur aan toos ahayn.” Ayuu yidhi Sulaiman bin Salim al A’adi, oo ah ah agaasimaha sahanka iyo heshiisyada cashuuraha.

Sidoo kale dawlada cumaan ayaa midooyinkii u dambeeyey qaadaysay isbado sanadle ah oo ku wajahan sidii hoos loogu dhigigi lahaa hoos u dhac maaliyadeed, inkastoo ay kordhayaan lacagaha dibada ka soo galaya ee ay ka midka yihiin daymuhu.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.