Talyaaniga Oo Maxkamadaynaya Gabadh Badbaadisay Tahriibayaal

Sicily, (HCTV) – Haweenay Kabtan ka ahayd doon laga leeyahay dalka Jarmalka oo magaceeda la yidhaahdo Pia Klemp ayaa maxkamad lagu soo taagay dalka Talyaaniga kadib markii lagu eedeeyey inay badbaadisay muhaajiriin si sharci daro ah u doonayey inay soo galaan Talyaaniga.

Kabtankan iyo shaqaalihii kale ee la socday doonta dalka Jarmalka ayaa lagu maxkamadeeyey dalka Talyaaniga, waxaana durtadiiba markii kiiskaasi uu dibada usoo baxay dad tiradooda lagu sheegay 60,000 qof ay saxeexeen codsi ama petition ay ku dalbanayaan in dawlada Talyaanigu ay laasho dhamaan dambiyadaasi ka dhanka ah Kabtan Pia Klemp iyo shaqaalihii la saarnaa doontaasi oo soo badbaadiyey kumanaan tahriibayaal ah oo heehaabayey badda Mediterranean-ka.

Photographs captured by undercover officers show the criminals 'escorting' vessels packed with asylum seekers before being transferred to aid boats bound for Italy in 2017

Waraysi ay siisay Wargeyska Basler Zeitung ayay kabtan Klemp ay ku sheegtay in kiiska iyada iyo shaqaalaha kale lagu soo eedeeyey uu ahaa mid si dhakhso ah ay u bilawday dawlada Talyaaniga oo ay ugu yeedhay si sharci daro ah.

Waxaana gabadhan kabtanka ahi ay sheegtay in qareenkeedii uu u sheegay in ay suurtogal tahay in lagu xukumo 20 sanadood oo xabsi ah iyo ganaax lacageed.

Haweenaydan Kabtanka ah ee u dhalatay dalka Jarmalka oo da’deedu tahay 35 jir ayay dawlada Talyaanigu ay baadhis ku waday tan iyo intii markabkeedu Luventa uu xeebaha dalka Talyaaniga uu ka soo badbaadiyey muhaajiriin farabadan oo doontoodu kula xumaatay bada oo doonayey inay usoo gudbaan dalalka Yurub.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

Pia Klemp is thought to have been personally responsible for up to 1,000 rescue missionsGerman charity Jugend Rettet's vessel, Iuventa (pictured), at Lampedusa in 2017