Taliyaha Hawlgalada Afrika Iyo Safiirka Maraykanka Oo Kulan Muqdisho Kula Yeeshay Raysal Wasaaraha Somalia

Muqdisho, (HCTV) – Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee hawlgalada Afrika General Thomas Waldhauser iyo Safiirka dawlada Maraykanka ee Somalia Donald Yamamoto oo socdaal ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa kulan la yeeshay Raysal Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre.

Waxaanay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada amniga ee lagu taageerayo xasillinta Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro kooxda al-Shabaab.

War-saxaafadeed laga soo saaray kulan ay Muqdisho ku yeesheen Masuuliyiintan ka socda dalka Maraykanka iyo Raysal Wasaaraha Somalia ayaa taliyaha hawlgalladda militariga Maraykanka ee ku sugan Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa kulankaasi balanqaado lagu sameeyey.

“Taageerada nabadgalyo ee Soomaaliya waxay qeyb muhiim ah ka tahay dedaalka uu Marakanka  dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed lagala shaqeynayo ammaanka iyo nabadda dalkooda.” ayuu yidhi Danjiraha Maraykanka u jooga Soomaaliya, Donald Yamamoto, waxaanu intaasi ku daray “Degganaashaha iyo nabadda Soomaaliya micnaheedu waa deganaashaha dheeriga ah ee mandaqadda Geeska Afrika iyo inay dadka Soomaalida awoodaan inay diiradda saaraan dhismaha mustaqbal barwaaqow ah.” ayuu intaasi ku daray Donald Yamamoto.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.