“Jimce ayuu Galay Ingiriiska Sabtidiina, Dambi Xattooyo ah ayaa loo Xidhay” Qisada Nin ajaanib ah.

Nottingham, UK (HCTV)Leonard-Valter Tudor, 20,u dhashay wadanka Romania ayaa xabsiga loo dhigay inuu fal xattooyo ah ka gaystay ganacsi ku yaala dalka ingiriiska isagoo maalin kali ah joogay dalka.

20 jirkan ayaa u dhashay dalka Romania, markii u horaysay ayuu maalin jimce ah soo cago-dhigtay dalka ingiriiska, saacadihii ugu horeeyay ayuu isku dayay inuu shaqo raadiyo waxaana loo ballan qaaday shaqo ka jirta koonfurta Yorkshire oo ka tirsan England Uk, balse qof saaxiibkii ah ayaa sabtidii geeyay Nottingham ee ka tarisan isla England halkaasi oo ah meesha falka loo haystaa uu ka dhacay.

Mr.Tudor ayaa galay tukaan caan ku ah dharka iyo waxyaabaha la mid ah oo lagu magcaabo TK MAXx, waxaa lagu eedeeyay inuu qarsaday shandad yar isagoo ku duubay warqadaha Almuniumka ka samaysan ee lagu dahaadho cuntada iyo alaabta si uu uga hortago aaladaha ilaaliyaha alaabta tukaanka taalla.

askar banaanka joogtay ayaa qabtay Tudor, oo xabsiga u taxaabay waxaana lageeyay Maxkamadda Nottingham, oo ku heshay dambi kadib markii uu qirtay inuu xaday alaab qiimaheedu dhan yahay £508.

Maxkamadda ayaa Amartay in ninkaasi loo diro xabsi dadka dhalinyarada ah loogu talo galay oo lagu hayn doono 4 bilood.

Dad badan ayaa warkani ku arkay baraha Bulshada ayaa aad ula yaabay ninkani dalka uu maalinta koobaad soo galay xatooyada ku kacay, balse dadka qaar ayaa u garaabay wiilkani oo sheegay in laga yaabo in dhaqaale darro ay haysatto.

Neil O’Sullivan, oo la hadlay jariidada Merto oo warkani daabacday ayaa sheegay in laga yaabo ninkaasi in duruufi haysay oo aanuu haysan lacag uu wax ku iibsado sidaasi awgeed oo falkaasi ku kacay.

 

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLINE-KA.