Kenya Oo Qabatay 14 Gaadhi Oo Kuwa Raaxada Ah Oo Dalkeeda Lala Soo Galay

Nairobi, (HCTV) – Maamulka dakhli ururinta u qaabilsan dalka Kenya ayaa sheegay inay qabteen 14 qaadhi oo ah nooca raaxada oo dalkaasi si qarsoodi ah loo soo galiyey, lagana keenay dalka Ingiriiska.

Gawaadhidan dawlada Kenya ay qabatay ayaa waxa ku jira Range Rover Sport, sida ay baahisay warbaahinta Business Daily, oo HCTV ka soo xigtay, waxaanay wararku intaa ku dareen in gawaadhidan laga soo galiyey dhinaca dalka Uganda.

Dawlada Kenya waxa ay sheegtay in ay ka shakisan tahay in gawaadhidan la soo xaday oo lala soo galay Kenya, iyagoo ka yimid UK kuna soo hakaday dalka Uganda.

Mr Kevin Safari, oo waaxda dalkhli ururinta u qaabilsan dawlada Kenya iyo ciidamada xadka ilaaliya, oo shir jaraa’id ku qabtay Nairobi ayaa sheegay in gaadiidkaasi ay qiimahoodu gaadhayaan malaayin shllinka Kenya ah, oo aga soo xaday dalka UK sanadkii la soo dhaafay.

Laba gawaadhida raaxada ah oo noocoodu yahay Range Rovers, ayaa laga soo galiyey dalka Kenya dhinaca dalka Uganda, sida uu sheegay Safari, waxaanu tilmaamay in lagu qabtay oo ay dhexda u galeen ciidamadu markii laga soo dajiyey Mumbasa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA