Uganda: Qofkii Labaad Oo U Geeriyooday Virus-ka Cudurka Ebola

Kampala, (HCTV) – Qofkii labaad ayaa u geeriyooday cudurka Ebolka dalka gudaha dalka Uganda, arintan ayaa daba socday kadib markii dalkaasi lagu arkay ugu yaraan toban kiis oo curur sidaha Ebolka ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadku.

Cudurkan ayaa la rumaysan yahay inuu dalka Uganda uga soo gudbay Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo oo uu halakeeyey cudurkaasi oo galaaftay dad tiradoodu ku dhaw dahay 2,000 qof.

Afhayeen u hadlay Wasaarada CAafimaadka dalka Uganda oo magaciisa la yidhaahdo Emanuel Ainebyona ayaa ku dhawaaqay “Ayeeyo ayaa sidoo kale cudurkaasi u dhimatay xalay,” ayuu yidhi Emanuel Ainebyona.

Haweenay kale oo reer Congo ah oo dhinaca Congo uga soo talawday dalka Uganda ayaa geeriyootay laba maalmood ka hor markii uu maalintii shalay uu geeriyooday wiil ay Ayeeyo u tahay.

Saraakiisha dalka Uganda waxa ay intaasi ku darayaan in bbukaano dheeraad ah lagu xareeyey goob lagu karantiimeeyo dadka cudurkaasi qaba oo ku taala dalka Uganda – waxaana sidoo kale lagu hayaa goobtaasi saddex jir ay walaalo yihiin wiilkaasi shalay dhintay iyo 23 jir u dhashay dalka Uganda oo lagu arkay calaamadaha cudurkaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.