Askar Ku Dhimatay Dagaalkii Koobaad Ee Aduunka Oo Aas Loo Sameeyey Markii La Xaqiijiyey

London, (HCTV) – Henry Wallington iyo Frank Mead, oo ka mid ahaa guutadii 23 aad ee ku sugnayd London xiligii dagaalkii 1aad ee aduunka oo hada laga joogo 100 sanadood ayaa aas dhamaystiran loo sameeyey iyadoo la dhinac dhigay askari kale oo ciidamada Britain ka tirsana oo aan wali isaga la cadayn.

Wasaarada Difaaca oo ay weheliyaan ururka Compassionate Centre (JCCC) Organised oo iyagu xaqiijiyey labada askari ayaa iyaguna aaska joogay.

Waxaana hadhaaga saddexdan askari ay yeelaan meel u dhow goobtii dagaalku ka dhacay oo ku taala Anneux ilaa bishii February 2016.

Iyadoo kooxdii baadhistu ay sheegeen Ptes Wallington and Mead in la dilay 3 December 1917, intii lagu gudo jiray dagaalkii Cambrai – dagaalkaas oo hoosta ka xariiqay inuu ahaa dagaalkii Taangiyada ama Kaarayaasha ugu badan la isticmaalay xiligaas oo ay ku jireen labaatamaadkii.

Waxaanay arinta Askartan la xaqiijiyey ay sheegayaan in waxa kaliya ee la ogaaday ay tahay in 23rd ee ay ka tirsanaayeen oo ay nooca shaqadoodu ay sidhnayd garbahooda.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.