Hindiya Oo Ka Codsatay Malaysia Inay Usoo Gacan Galiso Dr Zakir Naik

Kuala Lumpur, (HCTV) – Dawladda dalka Hindiya ayaa si rasmi ah uga codsatay dawlada Malaysia inay dib ugu soo celiso muwaadin dalkeeda u dhashay oo ah wadaad diinta Islaamka faafiya oo caan ah Dr Zakir Naik, kaas oo hadii dalka Hindiya lagu soo celiyo wajihi doona dacwado.

Waxaana jira su’aalo Wasaarada arimaha dibada laga waydiiyey hanaanka cadaalada ee dalka India aanay ka jawaabin oo daba socday in warbaahinta aan wax jawaab ah laga siin eedaha sheegaya in Dr Zakir eedaha loo jeedinayo darteed aanu heli doonin dhagaysi cadaalad ah oo uu ka helo dalka Hindiya.

Dalka Malasia ayaa Dr Zakir ku abaal mariyey inuu degenaansho rasmi ah uu ka helay Malaysia sanadkii 2015-kii, sida ay xaqiijiyeen wasiiro ka tirsan dalkaasi sanadkii 2017-kii.

Waxaana tan iyo 2016-kii ay dawlada dalka Hindiya ay faylal ka dhan ah ku furtay Wadaadkan diinta Islaamka faafiya kaas oo ay ku tilmaantay inuu faafiyey hadalo nacayb dhalinya, waxaanay sidoo kale ay sheegeen inuu lacago la maydhay uu ku maalgaliyey shan urur oo argagixoso oo ay ka mid yihiin kuwii Makhaayad ku taala Dhaka Bangaladesh oo ay ku dhinteen 29 qof loo adeegsaday.

Balse maalintii Isniintii Raysal wasaaraha dalak Malaysia Dr Mahathir Maxamed ayaa sheegay in aan loo gacan galin karin Dr Zakir dalka Hindiya hadii aanu xukun cadaalad ah aanu helayn.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.