Xildhibaan Faadumo Geedi oo la Feedhay.

Nairobi,Kenya (HCTV)Faadumo Geedi, oo ah gabadh laga soo doortay  ismaamulka wajeer ee waqooyi bari dalka Kenya ayaa xildhibaan kale oo soomaaliyeed uu ka dhiijiyay, kadib markii uu feedh daanka  kaga dhuftay.

xildhibaanka gabadha feedhay ayaa lagu magcaabaa Rashiid Qaasim,waxaana laga soo doortay isla maagaalada wajeer.

Qof goob jooge ah ayaa u sheegay warbaahinta kenya, in Mudane Rashiid Qaasim uu ku eedeeyay Faadumo Geeddi inay ku fashilantay inay lacaq u qoondayso deegaanka isaga lagasoo doortay,maadaama ay ka mid tahay gudiga dhaqaalaha ee Baarlamanka.

Muran halkaasi ka bilaabmay ayaa sababay in Xil.Rashiid qaasim uu feed la tiigsado xildhibaanad Faadumo Geeddi, sida ay u sheegtay saraakiisha Booliska ee saldhigga ku leh gudaha baarlamanka oo ay kiiska u gudbisay.

“meesha ayaan iska marayay aniga iyo saaxiibadday Ms Manga markii uu ii yimi ee buuq iug billaabay, daqiiqad kadibna daanka ayuu iga feedhay” ayay tidhi Xildhibaan faadumo.

xildhibaan goob joog ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in faadumo geedi ay u sharraxday xildhiba falka gaystay in gudiga miisaaniyadda ee baarlamanka kenya ay booqdeen ismaamulka wajeer isla markaana ay dadka deegaanka ka waraysteen meelaha ay doonayaan in muhiimadda la siiyo miisaaniyadda.

“waxaa u sheegay in ismaamulka wajeer,kaliya loo qoondeeyay 100 Milyan oo shilinka kenya ah, taasi oo lagu bixin doono meelo cayiman oo ku aaddan baahiyaha aasaasiga ah sida biyaha iyo wadooyinka” ayay raacisay.

Xildhibaan Rashiid Qaasim oo lagu eedaynayo inuu feedhay gabadh Soomaaliyeed oo baarlamanka ay ka wadatirsan yihiin ayaan warbaahinta la wadaagin sida ay wax u dhaceen.

 

HORN CABLE TV 

WAAXDA ONLINE-KA