Shirkado Loo Fasaxay inay Laayaan Digaag Badan.

German (HCTV) – Maxkamad Sare oo Jarmal ah ayaa Sharciyeysay inay sax tahay in Shirkadaha Digaagga dhaqa isla-markaana Beedka soo saara ay layn karaan ama dili karaan digaagga lab,  marka la dillaaciyo ka dib.

Go’aankan ay Khamiista Maanta soo saartay Maxkamadda Federaaliga ah ee Jarmalka ayaa Shirkadaha Beedka Warshadaha kulul ku dillaaciya u ah fursad kale oo ay ku sii shaqayn karaan, inta fursad kale la helayo.

Digaaga badan ee Labka ah ee Mishiinnada kulul lagu dillaaciyo ayaa ah ficil guud oo ay ku kacaan Warshadleyda digaagga ka Ganacsada.

Marka la dillaaciyo Beedka, wax ka yar ka dib baa la dillaa Malaayiin Digaag yaryar oo Lab ah, Jarmalka oo keliyana Sannad kasta waxa lagu dillaa 45 million oo Digaag Lab ah, sida ay Madaxda dalkaasi sheegeen.

Wasiirka Beeraha Jarmalka Julia Klöckner oo sifooyinka ay Shirkadaha digaaggu u shaqeeyaan ka hadlay ayaa yidhi “Anshax ahaan, ma wanaagsana..”

Qodob ka mid ah Sharciga daryeelka Xayawaanka ee Jarmalka ayaa isaguna odhanaya “Qofna ma Xanuujin karo ama dhaawac uguma geysan karo (Xayawaan) Sabab la’aan..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka