Nin  Laayay Dad Muslim ah oo  Xabsi Daa’in Lagu Xukumay.

Nin Laayay Dad Muslim ah oo Xabsi Daa’in Lagu Xukumay.

Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Laascaanood Ka Bilawday Nashqadayn Iyo Bilic Soo Celinta Magaalada
Kolonyo Galbinaysay Boqor William Iyo Xaaskiisa Oo Jiidhay Haweenay 83 Jir Ah
Midawga Afrika Oo Xayiraad Ku Soo Rogay Sudan
22 Dawladood Oo Cambaareeyay Sida Uu Shiinuhu Ula Dhaqmayo Muslimiinta Dalkiisa
Xisbiga Ucid Oo Ka Digay Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashada Golaha Deegaanka Iyo Wakiilada Somaliland.

USA (HCTV) – Xabsi Madaxaa haku furto ah ayaa lagu xukumay Nin Sannadkii 2015-kii dilay Saddex Qof oo Muslimiin ahaa.

Craig Hicks ayaa Waqooyiga Carolina ku dilay Saddex Qof oo Magacyadoodu kala ahaayeen Deah Barakat oo 23 jir ahaa, Yusor Mohammad oo 21 jir ahayd iyo Yusur Walaasheedii ka waynayd oo Magaceedu ahaa Razan Mohammad Abu-Salha.

Ninkan oo Dambiga qirtay ayaa dhammaan Maxkamadihii la mariyey ku xukumeen Xabsi daa’in.

Qoysaska ay ka soo jeedaan Dhibbaneyaashu ayaa sheegay in Gacan ku-dhiigle Craig Hicks uu Ubadkooda u beegsaday Diintooda Islaamka awgeed.

Booliskuna wuxuu sheegay in Sababta dilka keentay ka dhalatay muran Ninkan iyo Saddexda Qof ee la dilay ku dhex maray Barxad banana oo gurigooda hortooda ah oo Baabuurta la dhigto.

Kiiskan ayaa Dacwaddiisu socotay Afar sannadood, Afar bilood iyo Laba Maalmood, sida uu sheegay Weriye ka mid ah Telefiishanka CNN oo intaaba daba socday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: