Ilmo Tareen ku Dhashay oo la Siiyay Abaal Marin 25 Sano ah.

Galway,Ireland (HCTV) Gabadh ayaa ku dhalatay gudaha Tareen ka dhaqaaqay magaalada Galway,ee wadanka Ireland, intii uu dhexda kusii jiray Tareenkani ku socday Caasimadda wadankaasi ee  Dublin, hooyo uur lahayd oo rakaabka ka mid ahayd ayaa  fooli ku qabatay, waxaana umushay gabadh yar iyadoo gargaar ka heshay dhakhtar iyo laba kalkaaliye oo tareenka saarnaa xiligaasi.

inkasta oo markii tareenku gaadhay magaalada Dublin hooyada iyo ilmaheedaba cisbitaalka loo qaaday.

saraakiisha maamula Tareenka Ireland ayaa ballan qaad u sameeyay gabadhaasi ku dhalatay gudaha tareekooda inay bilaash ku heli doonto tigidka tareenkaasi lagu raaco mudada 25-ka sano ee soo socda.

waxay sidoo kale u mahadceliyeen dadkii rakaabka iyo shaqaalaha isugu jiray ee caawiyay hooyada iyo ilmaheeda intii ay dhalmadu socotay.

HORN CABLE TV
WAAXDA ONLINE-KA