Haweenay Naxariis U Muujisay Ninkeedii Hore Oo Ka Dilay Dhammaan Caruurteedii

USA (HCTV) – Hooyo u dhalatay Dalka Maraykanka oo Shanteedii Carruurta ahaa uu dilay Aabbahood, ayaa Xaakimka Maxkamadda waydiisatay in Odaygeeda Dilay Carruurta loo baadho Xukun aan Qisaas ahayn.

Hooyada Naxariista u muujisay Ninkeeda dilay Shantii Carruurteedii ahayd ayaa u sheegtay Maxkamadda Koonfurta Carolina in Tim Jones Jr aanu Carruurta u muujinin wax Naxariis ah, balse ay iyagu jeclaayeen  “Uma muujin Naxariis, nooc kasta oo ay  tahayba..” ayay sheegtay, haddana waxa dalbatay in lagu xukumo xukun aan Dil ahayn.

Ninka dilka geystay oo 37 jir ah ayaa Carruurta uu qudha ka jaray waxay da’doodu u dhaxaysay 1 illaa 8 Jir, waxaanu ku dilay Gurigooda oo ku dhow Lexington, 28-kii August, 2014.

Hooyadan oo Magaceedu yahay Kyzer ayaa intii Dacwaddu socotay u sheegtay Xaakimka in Ninka Carruurteeda dilay laga xukumo wax ka duwan Dil, inkasta oo ay dhanka kalena sheegtay inay tixgelin doonto go’aan kasta oo Xaakimka Maxkamaddu soo saaro.

Dadka Difaacaya Ninkan ayaa Maxkamadda ka sheegay inaanu Caafimaad qabin oo uu qabo xanuun dhanka Maskaxda ah.

Laakiin, Ninkan ayaa Carruurta uu dilay wuxuu ku duubay Baco, waxaanu ku riday gaadhigiisa oo uu muddo 9 Maalmood ah ku sitay, waxaanu markii dambe ula geeyay Miyiga Alabama, hase-ahaatee Booliska ayaa ku qabtay Mississippi markii ay aqoonsadeen.

Ninka dilay Carruurta iyo Gabadha Carruurta dhashay ayaa Aroos ahaa Lix Toddobaaad, iyagoo markii hore ku kulmay Goob Carruurtu ku ciyaaraan oo ka wada shaqayn jireen oo ku taalla Chicago, 2004-tii, marka uu Carruurta dilayna waxay kala maqnaayeen 9 Sanadood, laakiin gabadha ayaa danayn u muujisay markii ay ogaatay inuu ka shaqeeyo Shaqo uu Sannadkii ka qaato 80,000 dollar.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka