Gabadh Ay Walaalo Ah Yihiin Maxamed Bin Salmaan Oo Maxkamad La Soo Taagayo

Paris (HCTV) – Gabadh ay Walaalo yihiin Dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa Maxkamad la soo taagayaa bishe dambe, ka dib markii lagu eedeeyay inay Tacaddi kula kacday Qof Shaqaale ah.

Baadhitaankan ayaa 9-ka bishan ka bilaabmaya Caasimadda Dalka Faransiiska ee Paris, sida uu sheegay Telefiishanka CNN oo HCTV soo xigtay.

Gabadha ay Walaalaha ah yihiin Maxamed Bin Salmaan ayaa lagu eedeeyay inay Ilaaladeeda ku amartay inuu garaaco oo uu dhibaateeyo Nin ka mid ah Shaqaalaha Dhisme ay ku leedahay Magaalada Paris.

Dhibka loo geystay Dhibbanaha oo dhacay ayaa Sannadkii 2016-kii.

Dacwadda Gabadha ay Walaalaha yihiin Maxamed Bin Salmaan ayaa la dhegaysigeedu bilaabmayaa 9-ka bisha soo socota ee July, sida laga soo xigtay Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in Ninka ay ku dirtay Ilaaladeedu uu Sawir ka qaaday dhismaha ay ku leedahay Paris, iyadoo aaminsan inuu Warbaahinta la iibinayo, laakiin Ninka dhibbanaha ahi wuxuu ku andacooday in dhowr jeer la garaacay, laguna khasbay inuu lugaha ka dhunkado boqorradda.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka